Cabsi ka taagan magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Shabeelaha Dhexe

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2018 Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose iyo Sh/dhexe waxaa dhaqdhaqaaq ciidan uu ka jiro deegaano hoos taga degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidamo ka yimid degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa wararka ay sheegayaan in ay soo gaareen deegaano ku dhow dhow degmada Balcad halkaa oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Diyaarado dagaal ayaa degaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ay maamulaan Shabaab waxa ay maanta ku daadiyeen warqado digniin ah oo ku socota dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale wararka ka imanaya deegaano ka mid ah degmada Balcad ayaa sheegaya in lagu arkay diyaarado dagaal oo dul heehaabaya  deegaano ka tirsan labada Shabeelle.

Diyaaradahan ayaa la sheegay in ay warqado digniin ah ku daadiyeen tuulooyin hoos yimaada degmada Balcad.

Tuulada Basra ayaa ka mid ah deegaanada warqadahan digniinta ah lagu daadiyay iyadoo dadka degen deegaankaas loogu digey inay ka fogaadaan  dagaalyahanada Al-Shabaab.

Deegaanka Basra oo Dhawr iyo Toban KM dhinaca Galbeed ka xiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa fariisimo ku leh dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Hadalsame Media