MAQAAL: Sidee QABIIL lagu noqdaa?

0

(Hadalsame) 26 Luulyo 2018Qabiil = Waa eray asal ahaan ka yimi afka carabiga, soomaali ahaan loo yaqaano “Tol”, muddooyinkan danbenna loo garan og yahay ” beel”. Beel markii hore wuxu ahaa macnaheedu dad goob wada deggan oo hayb ahaana isu dhow sidoo kalenna hal oday ku wada aroora, isla markaasna is kaashada.



Hadaba, waxa Qabiil lagu noqdo, marka dib loogu noqdu sida qabaa’illada Soomaalidu isu sudh-sudhan yihiin oo ay u qaabaysan yihiin, waa laba nooc oo ka la ah.
“Kan koowood; waa mid oday wada dhalay oo silsilad dheer oo abtirsiin ah lagu taxan yahay, lana wada sheegto jiritaanka oday beri hore jiri-jirey in uu wada dhalay oo halkan maanta la marayonna farac ahaan iyo dhalad ahaan labadaba lagu ururo. Laakiin ma jirto cid caddayn iyo xujo u haysaa silsiladdaa dheer ee awoowe loogu tago ama lagu gaadho, xujadda u gu badan ee la cuskaddaa waa; abtirsiin la ka la dhaxlay oo caado iyo dhaqan ahaan la isugu soo tebiyey ka awow–ka awow, taasina maaha mid kaafin karta ama daliil & xujo looga dhigi karo dadka arimahan ku muransan ama diidan.”

Ta labaadna; waxay u qaabaysan tahay ‘qaab daladdo ah’ oo lagu wada bahoobbay hal magac oo u taagan hal qabiil’ magacaasi hore ha u jiro ama yuusan u jirin e, inta badan waxay tagtaa in lagu biiro qabiilka ugu tunka roon ee meeshaa ka arrimiya sida in suldaan, iimaan, boqor ama nabadoon awood badan leh lagu biiro oo saa looga mid noqdo.

Waayo, Soomaalidu waayadii hore waxay ahaayeen dad reer guuraa ah oo daruur iyo daaq daba socda isla markaana iska kaashada cadow-gooda guud, sida: Dad, abaar, libaax, xanuunno iyo bahal dugaag oo kaleba”.

Sababtaas iyo kuwo kala, ayaa u gu wacan in Soomaalidii geela ka dhici jirtay ay dhowr jeer oo hore qaabab cusub isu ururriyaan oo isu bahaystaan, halkaanna qabiilo cusubi ka unkamaan oo ka abuurmaan.

Madaama ay Soomaalidu ahaayeen dad filiqsan oo ka la irdhaysan, ayaa ay sababtay in qabiilo badani ay ku tiirsaddaan qabaa’ilo cudud xooggan lahaa sidaanna u ga mid noqdaan. Qaxa abaaaraha iyo duufaannadda ayaa sababi jirey in dad badan ay ku noqon kari waayaan deegaannadii ay hore u gu noolaayeen, halkaanna uga mid noqdaan dadkii ay firxad ahaanta ugu tageen. Aanada iyo innan layaalka ayaa sabab kale noqon kari jirtay.

Inahaas iyo ina kale ayaa inoo iftiiminaya in “asalka” dadka Soomaalida uu yahay kab
-kab iyo isu keen keen, halkaanna waxaana inoo ka soo baxaya in aqabaa’ilka soomaalidu yahay jaaba-jaabe iyo guraan-gur is bahaystay, xilli ay lahaayeen duruufo isku mida iyo dano qabiil oo laga maarmi waayey oo ku qotoma aragtida dhaqanka, caadada iyo darreenka dunniddii geel jiraha. Iyaddoo ay sidaa tahay, ayaa maanta tookha tollalku soomaalidda uu noqday mid cirka isku shareerray, iyaddoo laandheere loo kala tartamayo.

Hadaba erayga “Toll” oo sidiisa u taaggan marka la dhugto waxa kuu muuqanaysa in uu macna ahaan xusayo- wax is ku tollan oo duruufi sababtay, oo waata ay dhahaan “Toll waa tollanne”, halkaa waxaa innooka biniixaysa asalka qabaa’ilka soomaalidda jiritaankiisu in uu yahay, dad, dan ahaan isugu tolmay, ee aannay ahayn hayb iyo ab-tiris dhaba oo la hubo, ninka ka doodayaana aanu u hayn wax daliil iyo xujo toona ah’ ee ay tahay, wax uu awoowihii dheg ahaan uga qabtay oo uga soo weriyey.

Qoddobka labaad oo aan wax ku fahmi karno waxaa ah’: waxaa jiray qabiilo waaweyn oo Soomaaliyeed oo borqortooyooyin ahaan jirey oo aan maanta midh ka joogin, dhamaantood ma hal mar bay wada dhinteen?, maya, wejiyo cusub bay qaateen oo waa dhalan rogmeen (taking new form), sidaa darteed, asalka qabaa’ilka Soomaliddu waa jaaba-jaabe iyo guraan-gur.

Wa bilaahi towfiiq.

W; Q: Cabdirisaaq Axmed Saalax

Hadalsame Media