DAAWO: Dalka Japan oo soo saaray GAARI MASJID ah!! (Halkee loogu tala galay?)

0

(Tokyo) 25 Luulyo 2018 – Gaari wayn oo ka kooban midabbada caddaanka iyo buluug dugul ah ayaa sida uu u xawaaraynayo wuxuu mar qura isu beddelayaa masjid lagu dukado oo ay wax kasti u dhan yihiin.

Kusoo dhowoow masjidka guurguura (Mobile Mosque)

Dalka Japan ayaa isu diyaarinaya qabashada ciyaaraha Olombikada kulaylaha 2020 oo lagu dhigayo caasimadda Tokyo waxaana waxyaabaha ku cusub ka mid ah gaari masjid loogu tala galay inuu Muslimiinta imanaysa u sahlo adeeg ay ku cibaadaysan karaan.

Yasuharu Inoue, oo ah madaxwaynaha Yasu Project, ayaa sheegay inay tani Muslimiinta u sahli doonto inay helaan masjid ay ku cibaadaystaan, maaddaama uu gaarigani marba meel tegayo.

“Maadaama aannu nahay dal ku wanaagsan marti soorka, waxaannu doonaynaa in aynu aragtideenna ‘omotenashi’ (marti soorka) Muslimiinta la wadaagno,” ayuu yiri Onoue.

Hadalsame Media