DAAWO: ”Abidkeey qalbigayga ka bixi maysaan” – Zlatan Ibrahimovic oo Milan ku booqday xerada tababarka

0

(Los Angeles) 25 Luulyo 2018 – Taageerayaal badan oo AC Milan raaca ayaa dabcan ku faraxsanaan lahaa inay arkaan hujuum gool dhalinta uga hodon ah sida halyeeyga Zlatan Ibrahimovic oo laba sano usoo dheeley kooxdaasi.

Yeelkeede, laacibkan oo haatan u safta kooxda Los Angeles Galaxy ayaa xerada tababarka ku booqdya kooxda Rossoneri oo haatan ku sugan isla magaalada Los Angeles oo uu ka dheelo laacibka reer Swede, iyadoo ka qayb geleysa International Champions Cup 2018 oo ay berri aroortii xilliga Yurub kula ciyaarayso Man United.

“Haye qof kasta, waxaan rajaynayaa inuu qof kastaa fiican yahay. Waad ogtihiin inaad qalbigayga ku jirtaan, nasiib wacan, had iyo goor waan idinla socdaa, hello wayn iga hooya” ayuu yiri ku yiri war lasoo dhigay Twitter-ka AC Milan.


Hadalsame Media