AC Milan oo cayrisay agaasimihii isboortiga Massimiliano Mirabelli

0

(Milano) 24 Luulyo 2018 – Waxaa shaqadii laga eryey Agaasimihii Isboortiga ee AC Milan ee Massimiliano Mirabelli, kaasoo maanta la kulmay madaxwaynaha Milan ee Paolo Scaroni.

Agaasimahan Calabrese-ka ah oo sanad ka hor kooxda Milan ugasoo wareegay kooxda Inter Milan ayaa shaqada looga joojiyay sabab lagu sheegay inuusan mira dhalin qorshihiisa, isagoo tiiyoo loo dhiibey 230 milyan oo euro aan misna keenin laacibiin kooxda gayaysiin kara yoolkeedii 1-aad oo ahaa usoo bixitaanka CL.

Milanisti-ga qaaliga ahoow!

”Marka aan mahadsanidiin idin iraahdo, micneheedu waa inay dhamaanayaan wax kasta oo bilowda. Marnaba ma sahlana, gaar ahaan marka aad ka fikirtaan shaqada adag ee aan usoo galnay wanaagga Milan.” ayuu ku bilaabay, isagoon marna xusin Fassone oo isna la eryey.

”Waxaan u mahad celinayaa shaqaalaha Casa Milan, oo aan isla wadaagney dareenka tacaburka aannu soo marnay, iyo dhamaanba howlwadeenna Vismara, waxaan sidoo kale u mahad celinayaa saxaafadda iyo qoyskayga oo aan jacaylkayga ka daalin si kastoo ay xaaladdu iigu adkaato.”

”Ragu waa tegayaan, lkn Milan waa hareeysaa, waxayna kusoo noqonaysaa figta sare ee dunida.” ayuu kuso koobay Mirabelli oo hoos ku qoray, Forza Vecchio Cuore Rossonero!


Hadalsame Media