”Trump waa tijaabo nool” – Donald Trump iyo culuunta siyaasadda oo isla jaanqaadi la’ (Qaybtii 3-aad)

0

(Washington DC) 23 Luulyo 2018 – Madaxwayne Donald Trump wuxuu haatan xilka ku joogaa Jamhuuri ahaan, isagoo warac geddiyay wax kasta oo uu u taagnaa xisbigaasi Republican-ku, sababtuna waa isaga oo aan gebi ahaanba lahayn aragti siyaasadeed oo joogto ah. Kusoo dhowoow qaybtii 3-aad

Haa, way jirtaa meelo uu Trump ka leeyahay moowqif cad: Wuxuu tusaale ahaan hirgeliyay xeerar adkaynaya in dalalka Muslimka ihi ay soo galaan dalkiisa Maraykanka, wuxuu sidoo kale Jamhuuriga la wadaagaa nacaybka Obamacare, isagoo sidoo kale hoos u dhigaya doorkii Hay’adda Dhoowrist Degaanka ee Environmental Protection Agency (EPA) iyo hay’ado kale oo heer federaal ah, yeelkeede, Trump taariikhiyan waa miino waqtiyaysan.

Bishii Jannaayo 2017, Barber iyo saaxiibkii ay ka wada tirsan yihiin BYU jaalle Jeremy Pope waxay hindiseen tijaabo ay uga faa’iidaysanayaan arrinta isbedbedelka Trump iyo xitaa taageerayaashiisa, iyagoo mar dhow daraasaddaa ku daabici doona madasha culuunta siyaasadda ee the Forum.

Tijaabadaa waxay is waydiiyeen: In taageerayaasha Trump ay yihiin kuwo aragtiyeed (ideological), ama ay kaliya iska raacayaan meel kasta oo uu ula kaco? Kaddib caleema saarkii Trump, waxay bilaabeen tijaabo online ahayd oo ay ka qayb galeen in ka badan 1,300 oo Jamhuuri ah.

Daraasaddan way sahlanayd, waxaana ka qayb galayaasha la waydiinayay inay taageersan yihiin ama ka horjeedaan siyaasadaha ku aaddan in la kordhiyo mushaharooyinka asaasiga ah, heshiiska nukliyeerka Iiraan, in la xaddido ilmaha la iska soo tuuro, in baaritaansal ah lagu sameeyo milkiilayaasha hubka gaarka ah haysta iwm. Waa arrimaha ay aalaaba ku kala qaybsan yihiin qolyaha muxaafidka ah iyo kuwa liberaalku.

Barber iyo Pope ayaa is waydiiyay: In Jamhuurigu taageeri lahaayeen haddii uu Donald Trump xitaa la yimaaddo siyaasado liberaal ah?

3-meelood oo meel ka mid ah ka qayb galayaashii ayaa taageeray fikrad liberaal ah markii loo sheegay inuu taageeray Trump sida tan:

Waxaa dadka la waydiiyay fadlan caddee inaad diiddan tahay ama taageersan tahay in gunnada saacadlaha lagu kordhiyo 10 doollar saacaddiiba, maaddaama uu taageeray Trumo.

Waxaana dhacday in 15% ka mid ah dadkii muxaafidka ahaa ee Jamhuuriga taageerayay ay u guuxeen aragtidaa oo ah mid lagu yaqaanno dadka raacsan siyaasadda liberaalka ah, kaliya markii loo sheegay inuu Trump taageerayo, iyagoo iska raacay hoggaamiyohooda.

Waxay sidaa oo kale ula guurguureen su’aalaha khuseeynaya soo galootiga iyo socdaalka iyagoo wixii uu taageeray iskaga raacaya.

La soco qaybta 4-aad.

Hadalsame Media