”Mar dambe ha u hanjabin Maraykan ama waxaad la kulmaysaa cawaaqib aan horay u dhicin” – Trump oo u gooddiyay Iiraan

0

(Washington DC) 23 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa ballan qaaday “in ay Iiraan la kulmi doonyo cawaaqib aan horay u dhicin” haddii u hanjabto Maraykanka, wax loo arkay tweet ku jeeda madaxwaynaha Iiraan ee Hassan Rouhani.

Sida ka muuqata tweet-ka Trump ee ku jeeda Rouhani, waxaa ku qoran: “Marnaba, weligaa ha u hanjabin Maraykanka markale” ama waxaad la kulmaysaa “cawaaqib aan nooceeda ay in yari taariikhda horay usoo aragtay.”


Trump ayaa u jawaabayay dhiggiisa Iiraan ee Hassan Rouhani, oo Axaddii Washington u sheegay inay faraha ka qaadaan Iiraan oo ay daandaansiga ka daayaan, haddii aysan doonayn inuu qarxo wax uu ku sheegay “hooyadii dagaallada oo dhan”.

“Maraykanku waa inay si wanaagsan u fahmaan in nabad lagula noolaado Iiraan ay tahay hooyada nabadda, dagaal lala galaana waa hooyada dagaallada oo idil,” ayuu Rouhani ku falax gooddiyay isagoo raaciyay “shallaay unbaa ka dhalan doona.”

Hadalsame Media