SADARRADA DHEXDOODA: ”Haddii ay Jihaadi ahaayeenna annaga ayay noo Jihaadayeen” — Craig Murray

0

(London) 23 Luulyo 2018 – Dalka Britain ayaa magan galyo ugu yaboohay mutadawiciin loo bixiyay Koofi Caddayaasha (White Helmets), kuwaasoo howlgallo gurmad ah ka samayn jirey aagag ay haysan jireen qolyo ay isla reer Galbeedka ku sheegayeen inay argagixiso yihiin, balse lala soo cararay markii ay dowladda Suuriya aaggaasi kusoo dhowaatey.

Ilaa 98 ka tirsan Koofiy Caddayaasha ayaa waxaa soo ”badbaadiyay” ciidamada millateriga Israel, qorshe la sheegayo in marka hore ”lagu samata bixinayo” ilaa 422 qofood oo iskugu jira Koofi Caddayaasha iyo qoysaskooda, kuwaasoo laga soo qaaday Suuriya, kaddibna la geeyay woqooyiga Israel oo loosii dhaafiyay Urdun, si loogu daad gureeyo dalalka Maraykanka, Canada iyo UK, sida ay qoreeyso The Guardian.

Warsidaha ayaa sheegay in UK ay qaabileeyso ilaa 500 oo xubnaha White Helmets iyo qaraabadooda ah, kuwaasoo caadiyan loo yaqaanno Daafaca Madaniga ah ee Suuriya, balse waa lagu kala qaybsamay arrintan oo wax badan suuraynaysa, sida Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushanka oo sheegtay inay arrintani muujinayso cidda nimanka meesha gaysatey.

Dadka dhaliilaya ayaa dood ka keenay sharciyadda inay Koofi Caddayaashu ahaayeen urur u taagnaa xuquuq insaan, iyagoo ku eedeeyay inay ahaayeen argagixiso ka tirsan jabhadihii ka dagaallamayay meelaha ay joogaan.

Xoghayaha arrimaha dibedda UK ee Jeremy Hunt ayaa amaan kala dul dhacay ururkaasi – oo ay si xooggan dhaqaalaha uga taageeraysay dowladda – isagoo u mahad celiyay Israel isla markaana White Helmets ku tilmaamay “Geesiyada ugu geesisan.”


Ninka rikoodhka jebiyay waa danjirihii hore ee UK u fadhiyay Uzbekistan balse iminka isu beddeley blogger-ka ee Craig Murray oo sidatan soo qoray: “Laga yaabee inay jihaadi ahaayeen, balse waa Jihaadigeenna.”

Qaar kale ayaa dood ka sababta loola soo orday ‘White Helmets’ balse aan loosoo babdaadinin tarjumaannadii looga soo tegey Ciraaq iyo Afghanstan, iyagoo sheegaya inaan dowladda UK arrintan u sameeynin insaannimo ee ay arrin kale jirto.


Hadalsame Media