WAR CUSUB: Leonardo oo Juventus wax ka waydiiyay Gonzalo Higuain

0

(Milano) 22 Luulyo 2018 – Waxaa war cusubi kasoo kordhay suuq xagaaga kooxda AC Milan sida uu werinayo hilinka  Sky Sport 24.

Leonardo de Araujo, oo haatan loo wado inuu noqdo agaasimaha farsamada ee kooxda Rossoneri waloow aan xilkiisa weli la shaacinin, ayaa la sheegayaa inuu telefoonka kula hadlay Agaasimaha Guud ee Juventus jaalle Beppe Marotta.

Leo ayaa la sheegayaa inuu wax ka waydiiyay qannaaska suuqa yaalla ee Gonzalo Higuain, kaasoo beryihii dambe lala xiriirinayay AC Milan. Laacibkan Argentine u dhashay ayaa ka mid ah dhowr hujuum oo ay doonayso Rossoneri kan kalena waa Alvaro Morata.

Hadalsame Media