SOOMAALI: Waa umad eel ay iyadu dhigtay ka OOYAYSA!

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2018 – Jimcaale: Jaamacoow shacabka masaakiinta ah hantidoodii waa la dhacaa, magacoodii waa la ceebeeyey, nabad iyo horumarna ma hayaan. Madax fiican goormay helayaan?
Jaamac: Markay iyagu fiicnaadaan.
Jimcaale: Waaba masaakiin lagu tumanayee maxaa ka qaldan?
Jaamac: Intay dhagax weyn buur ka soo tuuraan ayey hoos seexdaan markuu ku dhacana waa cabaadaan.

Jimcaale: Maxaad ka waddaa?
Jaamac: Iyagaa mid qabiilkooda ah qaaraan u uruuriya si uu laaluush ugu bixiyo oo doorasho ugu galo, kaas laaluushka ku soo baxay ayey haddana caddaalad ka sugaan. Haddii la sheego inuu laaluush ku soo baxayna qabiilkiisii ayaa TVyada iyo facebook qaylo ku baahiya oo difaac iyo annagaa naloo dan leeyahay la soo fariista.
Jimcaale: Ceebeey tacaal. Masaakiintu iyagaa hoosta seefo ku sita mitaa?
Jaamac: Waa sidaas Jimcaale laakiin afkeennu waa isu ammaan.

Qore: Cabdulqaadir Diiiriye

Hadalsame Media

Facebook Comments