Shirka qaadista iyo midaynta canshuuraha oo ka soconaya Muqdisho

0

(Muqdisho) 22 Luulyo 2018 – Kulankaan wadatashiga ah ayaa ahaa mid looga hadlayey habka Mideynta Canshuuraha Dalka iyo ka doodista Canshuuraha laga qaado shaqaalaha iyo macaashka ganacsiga iyo midka gadista, waxaana ka qeyb galay wasiirada Maaliyadda Dowladda Dhexe iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo daah furay kulanka ayaa sheegay iney wadaan dadaalo ku aadan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha soo gala dalka.

“Waxaanu Kawada hadalnay arrinta canshuuraha dalka iyo mideyntooda, waxaa kale oo aan diiradda saarnay arrimaha Kharashka iyo sidii meel la iskula dhigi lahaa, maanta iyo Barri ayuu shirku socon doonaa”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku amaanay wasiirada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada dalka xiriirka wanaagsan oo ay la leeyihiin wasaaradda.

Shirkaan oo Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in Maanta laga soo saaro War-murtiyeed ay ku midaysan yihiin Wasaaradaha  Maaliyadda Maamulada iyo tan Dowladda dhexe.

Hadalsame Media