HADAL HUBBAN: Maxaa ka jira KHILAAFKA la sheegayo inuu u dhexeeyo Farmaajo & Khayrre?

0

(Muqdisho) 22 Luulyo 2018 – Waxaa mareegaha internet-ka qaarkood ku qoran sidoo kalena baraha bulshada dhex wiifaya warar la isla dhex marayo oo sheegaya inay is khilaafsan yihiin Madaxwaynaha iyo Wasiirka Koowaad ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Xasan Cali Khayrre.

Haddaba, si aannu arrintaa ugu kuurgalno ayaan la xiriirney ilo ku dhow dhow madaxtooyada Somalia, waxaana noosoo baxday inaan warkaasi wax yarina xitaa ka jirin.

Ilahan oo lagu kalsoonaan karo ayaa Hadalsame u xaqiijiyay in madaxdaa wararka lagu sheegay inay kala guureen, taasoo aan ahayn markii ugu horreeysey, ay waqti xaadirkan kulansan yihiin, iyagoo ka baaraan degaya howlaha horyaalla dowladda dhexe ee Somalia.

Dhanka kale, jeer saaka la furay jidadkii xirnaa ee magaalada Muqdisho, waxaa lagu wadaa inuu goor dhow madaxtooyada  Villa Somalia ku qabsoomo kulankii todobaadlaha ahaa ee laga yeelan jirey arrimaha amniga, kaasoo lagu eegi doono dib u eegista waxyaabihii dhacay, ka hortagga waxyaabaha amaanka kharribi kara, u diyaar garoowga howlgallada xiga iwm, waxaana shir guddoominaya madaxwayne Farmaajo.

Hadalsame Media