Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa ilmihii yaraa ee la caddibayay!

0

(Jiddah) 20 Luulyo 2018 – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya haweenaydii ilmaha yar cadibaysay kuwaasoo la sheegay inay weliba iyadu dhashay.

Afhayeenka wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Bulshada, Khalid Aba Khail, ayaa intaan haweenaydan lasoo helin qoraal u diray waaxda badbaadada qoyska, isagoo dadwaynaha ku wargeliyay in ay soo wacaan 1919, haddii ay helaan wax wacaal ah oo ilmahan ku saabsan, waxaana markiiba bilowday baadigoob.

Mohanad Al Hashdi, oo ah muwaadin Yemeni ah, oo aqoon u leh qoyska ninka ilmaha dhalay ayaa la sheegay inuu yahay qofka muuqaalladan argagaxa leh soo dhigay baraha bulshada.

Wuxuu sidoo kale muuqaal dhigay Youtube, isagoo sheegay inay haweenayda ilmahan caddibaysaa tahay Soomaaliyad ku nool Sucuudiga, isagoo ilmaha ku sheegay mataano 6 bilood jira, waloow hadda la sheegay in ay 10 bilood jiraan.

Sida uu ninku sheegay haweenaydani waa Soomaali ilmahan u dhashay Yemeni ay is fureen, balse ay markii hore Sucuudiga ku wada noolaayeen.

Waxay deeto duubtay muuqaalladan naxdinta leh iyadoo kaaga darane u dirtay ilmaha awoowgood, si uu aabbaha carruurtu biil ugusoo diro.

Al Hashdi ayaa muuqaalka uu duubay nidaamka Sucuudiga uga baryay inay ilmahaa soo furtaan maadaama uusan awoowgood kasoo safri karin Yaman.

Saacado yar uun kaddib, afhayeenka wasaaradda arrimaha bulshada, Khalid Aba Khail, ayaa tweet-gareeyay in ilmihii lagasoo helay magaalada Jiddah, waxaana la geeyay isbitaal iyadoo kaddib si KMG ah loogu wareejiyay qaraabada ninka dhalay.

“Hooyada iyo aabbuhu waa is fureen, kiiskani waa meel ka dhac muuqda, ilmaha dib dambe looguma celin doono hooyada, waxaana raadinaynaa qoyska ninka,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda oo u warramay Alekhbariya TV, waloow uusan sheegin waxa ay ka yeeleen haweenaydaasi.

Hadalsame Media