Qofkii ilmaha yar jir-dilaysay oo Soomaali noqotay! (Ma aaminaysid waxa dhacay!)

0

(Riyaad) 20 Luulyo 2018 – Wasaaradda Sucuudiga u qaabilsan Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ayaa soo badbaadisey laba ilmood oo mataano ah oo ay hooyadood si xun u ciqaabaysay sida lagu faafiyay baraha bulshada.

Muuqaalladan ayay hooyadu ka qaadday laba gabdhood oo mataano ah oo ay dhashay oo min 10 bilood dhallan, iyadoo dhirbaaxyaynaysay, mar ceejinaysay heer ay naftu dhibto, marna tuuraysay ilmaha oo mar mar dhiig baxaya.

Dadka Sucuudiga ayaa Twitter ku faafiyay muuqaalkan oo ay ku tag gareeyeen wasaaradda arrimaha bulshada ugu qaybsan Sucuudiga.

Haweenayda ayaa la sheegay inay tahay Soomaaliyad uu ilmahan ka dhalay nin Yamani ah oo ay kala tageen.

Faahfaahin naga filo.

Hadalsame Media

Facebook Comments