Dayax MADOOBAADKII ugu dheeraa qarniga 21-aad oo soo socda! (Goorma?)

0

(Cape Canaveral) 19 Luulyo 2018 – Waxaa la sheegayaa in uu soo socdo dayac madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21-aad, taasoo keenaysa in aad xitaa u jeedid meeraha Mars.

Dhacdadan ayaa la sheegayaa inay kusoo beegmi karto Jimce 27-ka bishan Luulyo, taasoo jiidnaan doonta min Yurub, Aasiya, Australia, Africa iyo qaybo ka mid ah South America. North iyo Central American lagama arki doono, balse waxay kala socon karaan baahinta tooska ah ee livestream wixii loo gaaro 6pm UTC.

Waxay tani tani noqon doontaa dayax madoobaadkii 2-aad oo buuxa tan iyo bilashadii sanadkan 2018, iyadoo uu midka kale dhacay 31-kii Jannaayo, isagoo socdey 3 saacadood iyo 23 daqiiqo, waloow dayax madoobaadka buuxey uu soconayay 1 saac iyo 16 daqiiqo, balse midkani wuxuu isagoo buuxa socon karaa 1 saac iyo 43 daqiiqo – taasoo farsamo ahaan ka dhigaysa midkii ugu dheeraa qarnigan 21-aad.

Sida ay sheegayaan culimada cilmi falaggu, waxaa arrinta sii qurxinaysa in dhulku uu kala dhex galo Qorraxda iyo Mars, inta u dhaxaysa bilaha Luulyo iyo Sebtembar, iyadoo uu Mars toos ugu beegnaa dhulka tan iyo 2003, taasoo dadka u sahlaysa inay si wanaagsan u arkaan Meeraha Cas, iyagoo dabcan adeegsanaya fogaan aragga telescope.

Halkan hadhoow TOOS uga daawo haddii ALLE idmo

Hadalsame Media