Safiirka dalka Qatar oo Muqdisho kula kulmay gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya

0

(Muqdisho) 18 Luulyo 2018 – Kulan saacado qaatay waxaa wada yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh iyo Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza, kadib markii uu xafiiskiisa booqday.

kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa. Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay.

” Ugu horeyn waxaan hambalyo iyo salaan kaaga wadaa guddoomiyaha baarlamaanka Qadar, dowladda Qadar waxay balan qaadeysaa iney dhinac walbo ka taageereyso golaha shacabka, waxa ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada baarlamaan “. ayuu yiri Safiirka.

Gabagabada kullanka Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan.

Hadalsame Media