Wax kasta oo aad uga baahan tahay maxkamadda ay berri isla fuulayaan AC Milan & UEFA

0

(Lausanne) 18 Luulyo 2018 – Berritoole waa maalin muhim u ah kooxda Rossoneri oo hor tegeysa maxkamadda cadaaladda isboortiga ee TAS oo ka furan Lausanne, Switzerland, si ay u qallibto go’aankii UEFA ee Milan muddo sanad ah looga saaray tartamada UEFA gaar ahaan Europa League.

HADDABA WAA KAN QORSHAHA MILAN AY KU QANCINAYSO TAS

Il Sole 24 Ore ayaa qoraya in Switzerland ay AC Milan u dirtay wefdi uu hoggaaminayo Marco Fassone oo ay ku jiraan qarreenka Roberto Cappelli oo ka socda hay’adda Gianni Origoni, waxayna Milan sidataa qiil ah in xukunka lagu ridey uu ka badbadis iyo cadaalad darro yahay, iyo in ay kooxdu hadda saldhig adag leedahay maaddaama ay la wareegtey Elliott, oo uu meesha ka baxay shuushkii Yonghong Li oo ay dhibaato dhaqaale haysatey.

Doodda Milan waxay ku qotontaa in loola dhaqmo si la mid ah kooxihii kale ee UEFA la macaamilay, sida PSG, Manchester City iyo Inter. Kooxahan oo dhan waxaa loo ogolaaday heshiiska xeer jajabka ah ee Rossoneri, waxaana shirka imanaya Franck Tuil oo metelaya hay’adda haatan Milan iska leh ee Elliott Management.

Sida uu qorayo Il Sole 24 Ore, Antonio Rigozzi oo ka socda Lévy Kaufmann-Kohler oo ku yaalla Geneva ahna qarreen Swiss ah oo waaya arag ah ayaa Milan metelaya, isagoo 2015 ku guulaystey kiis Juventus iyo Livorno loogu xukumay inay 22 milyan oo euro siiyaan kooxda Chelsea, arrin khuseeynaysay Adrian Mutu, sidaa darteed Milan waxay qabtaa rajo.

Dhanka TAS, sida uu qorayo La Gazzetta dello Sport, waxaa madaxwayne u ah Ulrich Haas, a German oo ah Jarman ku dhashay Switzerland, iyo professor wax ka dhiga University of Zurich, Milan iyo UEFA waxay leeyihiin min hal garsoore.

Rossoneri waxay dooratay xaakimka Swiss-ka ah ee Pierre Muller, oo ah xeeldheere dhanka dhaqaalaha ah, halka UEFA uu meteli doono Mark Hovell, oo ah Ingiriis sanado badan qarreen u ahaa Iskaashatada Ciyaartooyda Ingiriiska.

Hadalsame Media