”Ka warran Ronaldo ayaaba i yaqaanna!!” – Rodrigo Bentancur + Sawirro

0

(Torino) 18 Luulyo 2018 – Dhamaanba laacibiinta kooxda Juventus intoodii joogtey way is gacan qaadeen Cristiano Ronaldo markii uu Isniintii imanayay xerada tababarka iyo garoonka kooxda, balse waxaa jira hal wiil oo ay arrintu ka saa’id caleeysey.

Laacibka 21-jirka ah ee reer Uruguay, Rodrigo Bentancur, ayaa “TyC Sports” uga sheekeeyay arrin uu isagu u arkay mid la yaab leh oo ku saabsan CR7, tiiyoo ay jirto inay laba jeer isku arkeen Champions League, mar aan dheerayna wareegga bug-baxda ay Uruguay 2-1 dirtay Portugal.

«Waxaan isla marnay tijaabadii daroogada la iskaga baarayay, wuuna i salaamey, weliba si gacaltooyo leh, isagoo iigu yeeraya magacayga. Waxaan la yaabay inuu uu iba gartay». ayuu yiri isagoo afka kala haya.

Hadalsame Media