TOOS u daawo: Ronaldo oo tijaabadii ku baasay saxaafaddana loosoo bandhigayo – LIVE

0

(Torino) 16 Luulyo 2018 – Cristiano Ronaldo ayaa ku baasay tijaabadii caafimaadka, iyadoo ay Juventus qandaraaskiisa u gudbisey hay’adda maamusha horyaalka Talyaaniga ee Lega Serie A 13-kii Luulyo.

Calciomercato.com ayaa qoraysa in ‘aad loo adkeeyay amaanka’, si looga hor tago wax dhibaato ah oo dhaca maaddaama ay taageerayaal badani yimaadeen goobta.

CR7 ayaa xerada tababarka ku booqday isagoo sawirro la galay laacibiinta iyo macallinka Juve, Ronie ayaa marka uu saxaafadda la hadlo kaddib dib ugu noqonaya fasaxiisii.

Laacibka ayaa goor aan fogayn loosoo badhigayaa ee hoos ka daawo marka ay soo gasho.

Hadalsame Media