”Waxaan doonayaa inaan taariikh cusub sameeyo” – Ronaldo oo warkii ugu horreeyay jeediyay! (Muxuu ka yiri Messi?)

0

(Torino) 16 Luulyo 2018 – Laacibka Adduunka ee CR7 ayaa lagusoo bandhigay garoonka J Allianz Stadium oo ay ku dheesho kooxda Juventus kaddib markii uu caafimaadka ku maray J Medical, waxaana wehlinayay Agaasimaha Guud ee Peppe Marotta iyo madaxwayne Andrea Agnell.

Sidee u arkaa horyaalka Talyaaniga?

“Waxaan dareensanahay inuu horyaalka Talyaanigu mid adag yahay, diyaar ayaana ahay. Da’du muhim ma aha, waan faraxanahay, waan dadaali doonaa si aan koob kasta u hanto.” ayuu yiri Ronaldo.

Su’aasha lagama fursadaanka ah ee Messi ayaa soo muuqatay

 “Anigu laacibiinta uma arko lid. Qof kasta wuxuu ka hadlaa xafiiltan igala dhexeeya Messi, balse qof kasta kooxdiisa ayuu u dagaallamaa waana waxa aan halkan ka samayn doono. Kaddib aan aragno qofkii fiican.” ayuu yiri mar la waydiiyay xafiiltanka Messi.

Waxaa la waydiiyay inuu la hadlay macallin Carlo Ancelotti

“May, weli ma aynaan wada hadal, balse waan jeclaaday waagii aan wada shaqaynay. Haddase ma wada shaqayno marka xigta ee aannu iska hor nimaadana waan iska soo horjeednaa, balse waan ku faraxsan ahay inaan arko waayo wuu i taageeray runtii.”

Muxuu filayaa?

“Waxaan doonayaa inaan tusaale noqdo, ma aha kaliya laacib ahaan, balse nin ahaan, waxaan doonayaa inaan dadaalo iyo inaan caawiyo da’yarta. Isma bedeli doono, waxaan ahaan doonaa qofka aan ahay. Waa xilli muhim u ah waayeheeyga, waxaan rajaynayaa inaan taageerayaasha kaga farxin doono inaan koobab cusub u qaado.” ayuu yiri.

Hadalsame Media