Dowlad Xabashiyeed casri ihi maxay noqon lahayd?

0

(Hadalsame) 15 Luulyo 2018 – Caabbi Axmed kan ammmuurihii Xabashida xagga kale ka rogay, in kasta oo aynnaan hubin isbeddelka uu ku talo jiro iyo riyadiisu ilaa heerka ay gaadhsiisan yihiin, haddana waxaa muuqata in uu doonayo taariikhdooda cusub in uu buug cusub u furo, oo bilaw u noqdo dawlad Xabashiyeed oo casri ah.

Dawladda Xabashiyeed ee casriga ahi wax ay noqon lahayd mid aan la is addoonsan oo aan hadba qoomiyadda talada haysaa qoomiyadaha kale gumaysan, ee ku dhisan wada noolaansho dadnimo leh iyo/ama in qolo waliba xor u noqoto ka tashiga aayaheeda. Dawlad Xabashiyeed oo casri ahi wax ay noqon lahayd mid ku dhisan xorriyad, dimuqraadiyad iyo sinnaan bulsheed, taladana la ga soo gooyo dadweynaha qarniyada badan u cabiidsanaa dabaqadda tirada yar.

Dawlad Xabashiyeed oo casri ahi wax ay noqon lahayd mid joojisa damaca imbaradooriyadnimo iyo ku durkidda dadyowga deriskeeda ah, kana baxda taariikh xumada ah in ay tahay dawladda keliya ee ka mid noqotay dhul boobkii iyo qaybsigii gumaysiga cadi Afrika ku la kacay.

Caabbi Axmed haddii uu tallaabooyinkaa qaadi doono, ka gana duwanaan doono raggii masaa’ibta ahaa ee isaga talada dalkiisa u ga horreeyay, waa maxay waxa uu kuwaa dheer yahay ee ka dhaqan duwi karaa? Waa maxay waxa uu ka ga badbaadi doono xagjirnimadii qoomiyadeed iyo cabbudhintii la gu yaqaannay hoggaamiyayaasha Amxaarada iyo Tigreega?

Jawaabtu waa laba qodob. Midda hore waa in uu ka dhashay qoomiyadda dalka u gu tiro badan ee Oromo, taas oo siin karta is ku kalsooni nafsiyadeed iyo dabadeed xilkasnimo uu ku dhisi karo dawlad loo siman yahay, kalsoonidaa iyo kudhacaas oo ka maqnaa madaxda Amxaarada iyo Tigreega la ga tirada badnaa marna Masiixiga ahaa, dabadeed waxooda oo dhami ahaayeen mintidnimo iyo ku giiji.

Qodobka labaad ee ninkan hawshiisa ku gobayn kara ee siin kara dhiirrashadu waa akhris badnida la gu sheegay. Tacliinta tooska ah ee dugsiga iyo jaamacaddu waa dadaal uu ardaygu ku yeesho xirfad uu noloshiisa ku la soo baxo, waana xaalad loo siman yahay oo aan wax kale la ga sugin.

Haddii se qofku xiise u yeesho dhaqanna ka dhigto akhris joogto ah iyo jacayl uu u qabo wax ogaanshaha iyo baadhista dunida iyo nolosha, qofkaas wax ay u badan tahay in garashadiisa iyo adduun-araggiisu koraan, ballaadhaan oo hodmaan, taasina wax ay fursad u siisaa in uu ka weynaado waxa aan macnaha lahayn, qiimana siiyo waxa ay dantu ku jirto.

Damiinnimada, aqoon yarida iyo ogaansho xumadu waa waxa kowaad ee madaxda Afrika dulleeyay. Sidaa darteed Caabbi Axmed wuu arki karaa danta weyn ee dadkiisa guud ahaan, isaga oo ka korran ka la duwanaanta qoomiyadeed iyo diineed ee qolyihii hore la weynaa.

Taas baa innagana inoo dan ah waayo deriskaaga doqonka ah ee jaahilka ah waxaa ka wanaagsan kaaga aqoonyahanka ah ee garashada wacan ee danta idinka dhaxaysa garan kara.

Qore: Ibraahim-Hawd Yuusuf

FG: Maqaal kasta wuxuu xambaarsan yahay aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media