DAAWO: Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxwaynaha Somalia oo Brussels gaarey

0

(Brussels) 15 Luulyo 2018 – Waxaa haatan magaalada Brussels ee caasimadda Belgium gaarey wefdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Halkan ka dhegeyso warbixin ku saabasan…

Wefdigan oo ka kooban wasiirro ka socda dowladda dhexe iyo madaxda dowlad-goboleedyada ayaa halkaa uga qayb gelaya kulan lagu sheegay inay leeyihiin dalalka jaalka la ah dalka Soomaaliya.

Waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mid ah horumarinta Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amaanka, khayraadka dabiiciga ah iwm, wuxuuna soconayaa 16-17 bishan Luulyo.

 

Hadalsame Media