DHEGEYSO: Khilaaf soo kala dhexgalay Cali Khaliif Galayr iyo ku xigeenkiisa

0

(Muqdisho) 15 Luulyo 2018 – Madaxweyne xigeenkii Khaatuma Cagalule oo ku gacanseyray hadal uu magaalada Laascaanood ka sheegay DR Cali Khaliif Galayr.

Cabdalle Maxamuud Habye (Cagalulle) oo Garab kamid ah Khaatumo ay u doorteen Madaxwayne, Dhawaana gaaray magaalada Garoowe, ayaa Warbaahinta kula hadlay Gobolka Sool.

Isagoo ka hadlayey Isimo ka yimid dhinaca Somaliland, oo Garoowe u yimid sidii Puntland loogu Qancin lahaa inay Joojiso dagaalka, Islamarkaana Ciidanka Somaliland ku Noqdaan deegaaanka Gambadhe ayuu u sheegay inaysan Marnaba dhici doonin in Xubnahaasi ka socda Somaliland   Heshiis iyo Wadahadal lagala galo In Ciidanka Somaliland ay kusii sugnaadeen deegaanka.

Khilaafkan ayaa u muuqda mid abuuri kara sii kala duwanaashaha siyaasadda deegaanka tukaraq, waxaana hadda socda waawaan labada dhinac waa puntland iyo Somaliland.

Hadalsame Media