Maxaa saaka ka socda magaalada Garoowe?

0

(Garoowe) 13 Luulyo 2018 – Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay halkaasi ku sugan yihiin ganacsato, culimo iyo salaadiin ka tegey dhanka Somaliland.

Ujeeddada waftigan ayaa lagu sheegay sidii loo baajin lahaa dhiig dambe oo ku daata xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Kulamo ayaa la sheegay in ay durba la yeesheen dhiggooda Puntland si xal waara looga gaaro dagaalka micne darrada ah ee tan iyo bilowgii sanadkan ka taagnaa aagga Tukaraq.

Xigasho: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media