DHEGEYSO: Kooxda Som United oo u diyaar garoobaysa tartanka SEUKI 2018 + Sawirro & jadwalka

0

(Stockholm) 13 Luulyo 2018 – Waxaa berritoole garoonka Spånga ee magaaladan Stockholm ka bilaabmi doona tartanka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SEUKI 2018 kaasoo ay kasoo qayb geli doonaan 16 kooxood oo ka kala socda Sweden iyo dalal kale oo woqooyiga Yurub ah.

Tartankan oo soo xirmaya 29-ka Luulyo ayaa waxaa kooxaha ka qayb gelaya ka mid ah kooxda Som United oo ka dhisan xaafadda Rinkeby ee magaaladan Stockholm, waxaana noo suurtagashay inaanu ku booqanno garoonka ay isku diyaarinayaan ee Knutby.

Axmed Nuur (Waqaa) wuxuu muddo sanado ah u dheelayay kooxda Som United wuxuuna nooga warramay ujeedka tababarkooda. – Waxaan isku diyaarinaynaa, tartanka tartanka SUEKI. Waxaana uga qayb galnaa inaan koobka ku guulaysanno’’ ayuu yiri.

Maxamed Cabdulqaadir Sheekhdoon waa macallinka kooxda Som United, haddaba muxuu ka rajaynayaa koobka SEUKI? – Sanadkii horena waxaan ku harnay wareegga rubuc-dhamaadka. Waxaan rajaynaynaa inaan sanadkan koobka qaadi doonno, ayuu yiri Sheekhdoon.

Macallinka Sheekhdoon wuxuu intaa ku daray in ay kooxdiisu ka dheesho horyaalka heerka hoose ee Sweden, wuxuuna ii sheegay inay dan wayn ku qabaan ka qaybgalka tartankan oo xagaa kasta xilligan oo kale la qabto oo uu abaabulayaasha u mahad celiyay. Haddaba maxay ka dheefaan?

– Tartankan waxaan ka faa’iidnaa inaan isku sii diyaarinno labada bilood ee uu horyaalku noo xiran yahay’’ ayuu yiri Sheekhdoon oo ay kooxdiisu ka dheesho horyaalka heerka 5-aad.

Tababareyaal badan oo layliya kooxaha da’yarta ah ee Soomaaliyeed ayaa wax u layliya qaab hiwaayadeed, balse wuxuu Sheekhdoon ii sheegay inuu isagu ka duwan yahay oo uu shahaado tababare haysto. – Waxaan haystaa laysinka B ee uu bixiyo xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA, ayuu yiri Sheekhdoon.

Tartankan ayaa waxaa ka qayb gelayaa 16 kooxood oo 9 ka tirsani ka socdaan Sweden, min 2 ka kala socda Finland, Denmar iyo Ingiriiska iyo mid ka socota Norway.

 

Hadalsame Media