Kooxda Juventus oo shaacisay goorta ay soo bandhigayso CR7

0

(Torino) 13 Luulyo 2018 – Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay goorta ay si rasmi ah usoo bandhigayso Cristiano Ronaldo asagoo ah laacib Bianconero ah, waana Isniinta 16-ka bishan.

Juve ayaa arrintan dhowaan ku shaacisay Twitter-keeda rasmiga ah oo ay ku qortay ’16.07.18. Cristiano wuxuu imanayaa Torino’, iyagoo raaciyay sawir ay ku qoreen ‘diyaar ahaada’, taasoo ka dhigan inuu bandhig wayn qorshaysan yahay.

Sky Sport Italia, ayaa sheegaya in 33-jirkani iman doono kaddibna uu shir jaraa’id qaban doono 17:30, kaddib marka uu caafimaadka maro, lamase carrabaabin in garoonka la gayn doono iyo in kale.

Laacibkan 3-da jeer hantay Ballon d’Or, ayaa 450 gool kooxdiisa u dhaliyay 438 kulan oo uu u saftay Real Madrid, wuxuuna €100m oo euro ugausoo wareegay Serie A iyo Juve.


Hadalsame Media