Goorma ayaa la samaynayaa isku aadka horyaalka Talyaaniga?

0

(Roma) 13 Luulyo 2018 – Waxaa lagu dhawaaqay goorta la sameeynayo isku aadka horyaalka Talyaaniga ee Serie A, fasal ciyaareedka 2018-19, taasoo loo gartay Khamiis, 26 Luulyo sida la xaqiijiyay.

Sida ka duwan Premier League, oo sii daayay dhamaanba maalmaha la dheelayo 380 ciyaarood 09:00 BST 14 Juun, isku aadka Serie A waxaa lagusoo bandhigayaa xaflad gaar ah oo laga sii dayn doono hilinka Sky.

Caadiyan wuxuu horyaalku bilaabmi doonaa Sabti 18 Agoosto, isagoo xirmaya 26 Maajo 2019, waloow aan weli la dhamaystirin tafaasiisha la xiriirta saacadaha kulamada, maalinta iyo TV-yada lagasii dayn doono.

Hadalsame Media