Hoogga Afrika waa hoggaankeeda!

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2018 – Siyaasiga Afrika waa hoogga Afrika. Colaadaha aan tirada lahayn ee dadka qaaraddu ku halaagsameen ma laha sababo qarameed ee waa is qoonsi shakhsiyeed. Hadda waa Afrika oo dhan.

Tusaale ahaan Dagaalkii 77 ee dadka soomaalidu u halgameen, naf iyo maalbana u hureen, xoraynta dhulkooda Soomaali Galbeed, Maxamed Siyaad Barre wax uu la dagaallamayay oo u muuqday Mingistu Xaylemaryan oo ay shirkii Cadan aad isu gu soo afdhaafeen, sida ay taariikhdu caddaysayna wax uu yidhi “dagaalka joojin maayo ilaa aan qoomiyadda Amxaarada talada ka tuuro”.

Asyaas Afwerke dagaalkii uu Xabashida la galay sannadihii 1998-2000, ee ku dhowaad boqolka kun ee nafood la gu waayay, dhaqaalihii iyo noloshii reer Erateriyana ku baabba’een, dagaal shakhsi buu ahaa ee ma ahayn dagaal qaran, isaga oo af cad ku yidhi “Meles Senaawi aniga ayaa xukunka saaray waana in aan ka ridaa”.

Dagaallada sida shakhsiga u dhaca ee Afrika ku rogmatay marka dambena si shakhsi ah ayay u dhammaadaan. Maxamed Siyaad iyo Mingistu heshiiskoodu ma ahayn siyaasad qarameed ee wax ay ahayd labadooda oo heshiiyay si ay maalmo kale xukunka u sii haysan karaan.

Afwerke maanta kolkii uu Meles iyo kooxdii ay isu xanaaqsanaayeen muraayadda ka waayay waa kaa hebeen iyo maalin dhexdood Xabashidii ka dhigtay gacalka kowaad ee uu dunida ku lee yahay.

Maxay boqol kun oo wiil kaa ga dhinteen? Muxuu dadkaagu dunida iyo dalkaba u gu silcay? In aad Meles oo aad saaxiib ahaydeen oo weligiin daafiga iyo basbaaska wada cuni jirteen ka la xanaaqdeen oo keliya sow ma aha?

Dhibaatada sidan ah dawadeedu waa dimuqraadiyad, waayo kolka shacbigu cod yeesho ee siyaasigu ka baqayo, markaa siyaasigu xanaaqiisa iyo farxaddiisa shakhsiga ah talada qaranka ku ma gooyo. Sababtaas baan dunida loo arag laba dal oo dimuqraaddi ah oo dagaallama.

FG: Maqaalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan.

Qore: Ibraahim-Hawd Yuusuf

Hadalsame Media