DHEGEYSO: Muran ka taagan in TUUGSIGA rukhsad loo dalbado!!

0

(Eskilstuna) 11 Luulyo 2018 – Guddiga Fulinta ee heer gobol ayaa joojiyay sharci kasoo baxay degmada Eskilstuna oo dhigayay in tuugsiga ama gacan hoorsiga rukhsad loo qaato, balse waxay u badan tahay in go’aankan rafcaan laga qaato, sida uu qabo madaxa golaha degaanka Eskilstuna Jimmy Jansson (S).

” Ma aha wax lala yaabo. Khibradaydu waxay ii sheegaysaa in maamulka gobolku uu taxaddarayo, marka waa go’aan la fahmi karo markii dhankaa laga eego,” ayuu yiri Jimmy Jansson (S), oo ah madaxa golaha degaanka.

Haddaba iminka maxay degmadiisu go’aankaa ka yeelaysaa? Haka jawaabo Jansson.

”Waxaan haysannaa 3 todobaad oo aannu arrintaa kaga baaraandegno, waana bilownay geeddi socodka qiilna waa haysannaa, marka hadda arrintu degmada ayay ku soo noqotay waxaana isku deyi doonnaa inaannu maarayno,” ayuu raaciyay.

Degmada Eskilstuna haatan waxay haysataa 3 todobaad oo ay rafcaan ugu qoraan maxkamadda  maamulka ee loo yaqaanno förvaltningsrätten, taasoo sida uu qabo Jimmy Jansson, ay u badan tahay inay sameeyaan.

”Weli ma aynaan guddoonsan tillaabada aannu dooranayno, balse hubaashii waxaannu khasbi doonnaa isbeddel wax lagaga qabto dadkan oo ur noo bixiya,” ayuu ku dooday Jansson.

 

Hadalsame Media