RASMI: Cristiano Ronaldo oo ku biiray kooxda Juventus + Sawirro

0

(Athens) 10 Luulyo 2018 – Haatan waa rasmi, wareegistii maalmahanba la hadal hayay ee uu Cristiano Ronaldo ugu biirayay kooxda Juventus.

Naadiga Real Madrid webkeeda rasmiga ah kusoo qortay: «Wuxuu naadigu ku dhawaaqayaa, in si waafaqsan codsiga laacibka, ay aqbashay inuu ku biiro kooxda Juventus».

Jookarkii Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa inuu Serie A ugu soo wareegey lacag rikoodh jebis ah oo dhan €105m, taasoo ah tii ugu badnayd ee ay koox horyaalkaasi ka dhisani laacib kusoo iibsato taariikhda.

Wakiilka CR7 ee Jorge Mendes ayaa maanta la kulmay maamulka Real Madrid si uu u ogaado inay aqbaleen dalabka Old Lady, halka madaxwaynaha Juve ee Andrea Agnelliayuu dayuurad khaas ah u qaatay Giriigga si uu u salaamo ninka haysta billadda Ballon d’Or oo halkaa fasax u jooga.

Ronaldo ayaa Real Madrid ku biiray sanaddii 2009, waxaana la yaab leh inuu dhaliyay goolal ka badan kulamada uu ciyaaray, kuwaasoo kala ah 438 kulan iyo 450 gool.

Hadalsame Media