SAAMAYNTA RONALDO: Saamiga Juventus oo cirka isku shareeray!

0

(Torino) 10 Luulyo 2018 – Cristiano Ronaldo ayaa lagu wadaa inuu Isniinta soo caga dhigto magaalada Torino si uu caafimaadka ugu maro kooxdiisa cusub, balse saamiga Juventus ayaa durba sare u kac sameeyay 35%.

Jookarkii Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu wareegey kooxda Juve oo sheegtay in €100m ay laba sano kala siinayso kooxda Real, halka €12m ay qaadanayaan kooxihisii hore, taasoo la dhigan 112 milyan oo euro.

Waxaa lacagtiisa inta badan bixinaya shirkado iidheh loo sameeynayo, balse durba imaanshiyaha arbaha reer Portugal ayaa kaash soo geliyay kooxdiisa oo uusan weli funaanaddooda xitaa xiranin.

Waxaa sare u kacay saamiga kooxda Juventus oo kacay 34.8% muddo todobaad ah, tan iyo markii uu bilowday warka Ronie la xiriirinaya Juve, Luulyo 2, wuxuuna gaarey halkii ugu sarreeysey tan iyo Maajo 10 2017, markaasoo uu ahaa €0.9655, isagoo haatan ah €0.898, balse ogoow todobaad ka hor wuxuu ahaa €0.6660.

Hadalsame Media