DAAWO: Kooxda AC Milan oo soo bandhigtay funaanaddeeda cusub ee PUMA + Sawirro

0

(Milano) 06 Luulyo 2018 – Kooxda AC Milan ayaa soo bandhigtay funaanadda cusb ee ay farsamaysay Puma ee ay ku ciyaarayso fasal-ciyaareedka 2018-19, kaddib 20 sanadood oo ay xirnayd Adidas.

Kooxda Rossoneri iyo Adidas ayaa kala xarig furtay bishii Oktoobar, waxayna deeto Milan markiiba la heshiisey shirkadda ay xafiiltamaan ee Puma.

Funaanadda cusub oo u samaysan qaabkii soo jireenka ahaa ee lahaa midabbada casaanka iyo madowga ayaa waxaa la sheegay in laga qalin daartay “xamaasadda taageerayaasha, dhaqanka kooxda iyo shucuurta naadiga iyadoo leh kulleeti yar oo madow.

Waxaana qaybta dambe uga dhigan halku dheg uu lahaa ninkii Ingiriiska ahaa ee aasaasay kooxda Milan ee Herbert Kiplin.

Hadalsame Media