WAR CUSUB: Real Madrid oo Ronaldo ku xirtey hal shuruud!

0

(Madrid) 06 Luulyo 2018 – Real Madrid ayaa Cristiano Ronaldo u ogolaanaysa inuu ku biiro Juventus oo ku baayacaysa €100m, balse waa inuu jamaahiirta u sheegaa go’aankiisa ku aaddan inuu kooxda ka tegayo, sida ay wararku sheegayaan.

Shuruudda €100m ee lagu fasiqi karo qandaraaskiisa ee la saxiixay bishii Jannaayo waa ’is afgarasho akhyaareed” ee ma aha go’aan sharci ah, sidaa darteed markasta waxaa ogolaasho looga baahan yahay madaxwayne Florentino Perez.

Marca, Cadena Cope iyo Sky Sport Italia iyo ilo wareedyo kale ayaa haddaba iminka qoraya in Real Madrid ay xiddigga haysta Ballon d’Or ka doonayso inuu si cad u sheego in bixitaanku uu yahay go’aan isaga kasoo fuley si ay eedda uga fursadaan maamulka kooxda Madrid.

Taasi waxay ka dhigan tahay in CR7 uu qabto shir jaraa’id ama qaab kasta oo uu dadka ugu sheegi karo inuu doonayo inuu kooxdaasi iskaga tago kaddib 9 sanadood, si uu hardan cusub u galo, isagoo u wareegaya Juventus, sida uu horayba u sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes.

Hadalsame Media