YAA CABANAYA? «Waa CEEB inaad 10 sano mushaarka noo kordhin waydaan, balse aad 30 milyan siisaan CR7»

0

(Torino) 06 Luulyo 2018 – Waxaa Talyaaniga ka daaran daraamaha Ronaldo, wax lagu sheegay “CR7-mania” oo ay ku faraxsan yihiin taageerayaasha Juventus, halka aysan la dhacsanayn kuwa kasoo horjeeda, yeelkeede, bannaanka doodaha Serie A waxaa laga maqlayaa cabasho iyo caalwaa.

Gerardo Giannone, oo u shaqeeya FCA qaybta wershadda Pomigliano D’Arco. “Waxaan FIAT u shaqaynayaa 18 sanadood, mushaharkana nalooma kordhinin 10 sanadood, Pomigliano waxaan bishii shaqaynaa 11-12 maalmood uun.” ayuu yiri.

Markii uu maqlay inay 30 milyan oo euro sanadkii siinayaan CR7 oo lagu wado inuu kusoo biiro Juventus wuxuu yiri: “Mushaharkaas waxaa min 200 oo euro sanadkii loogu kordhin dhamaanba shaqaalaha FCA, 10-kii sano ee lasoo dhafay sicir bararka kaliya waxaa nooga lunta 10.7%.

”Sanadkii waxay helaan faa’iido ka badan 20 bilyan, balse waxay bixin waayeen waajibaadka ka saaran qandaraasyo soo taxnaa 10 sano, haddana kaddib Higuain, waxaad soo qaadanaysaa Ronaldo. Ceeb Calayk, xitaa haddaanan waxba ka dhihi karin“. ayuu yiri Giannone.

 

Hadalsame Media