DAAWO: Sheekh Sudays oo ka gaabsaday su’aalo sax ah oo la waydiiyay!

0

(Geneva) 05 Luulyo 2018 – Imaamka masjidka barakaysan ee Macca ayaa waxaa dalka Switzerland ku helay gayfane Muslim ah, jeer uu wadaadkani booqanayay dalkaasi.

Sheikh Abdur Rahman al-Sudais oo sidoo kale loo yaqaanno Sheikh Sudais, ayaa Geneva ka bixinayay khudbo ku saabsan wax lagu sheegay “dadaalo nabad dhalin ah” oo ay isla wadaan Maraykanka iyo Sucuudigu, balse waxaa wadaadkii su’aalo adag oo aanu jeclaysan waydiiyay nin ka mid ahaa dhegeysatada oo aan la dhicin sheekada.

Ninkan oo ah qarreen asal Algerian ah iyo gayfane ka tirsan Rugta Islaamiga ah ee Geneva oo lagu magacaabo Yahlef Salyakheddin, ay Sheikh Sudais, waydiiyay inuu ka jawaabo su’aalo khuseeya dhibaatooyinka ay wadaan Sucuudiga iyo Maraykanku.

“Sidee nabad iyo amni nagu bareeysaa marka ay walaaleheen Yemen iyo Qadar ay gaajo u dhimanayaan adiga dartaa?” ayuu cod dheer ku yiri Yahlef, sida uu werinayo IslamNews oo xiganaya AlBawaba . “Wuxuu na barayaa nabad, isagoo ah ninka fatwooday in la dili karo walaaleheen Yaman.” ayuu raaciyay.

“Sidee Sucuudi iyo Maraykan dunida nabad ugu hoggaamin karaan, iyadoo uu Maraykanku dalal badan xoog ku haysto?” ayuu ku qayliyay.

Sheikh As-Sudais ayaa ka gaabsaday inuu su’aalahaa ka jawaabo, isagoo markiiba iska tegey, xilli ay Salyakheddin ku hareeraysan yihiin ilaaladiisa iyo taageerayaashiisa.

Hadalsame Media