”Maxaa iga galay Ronaldo & Juve, waxaan ka fikiraa Milan-teeyda miskiinta ah” – Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga!

0

(Roma) 05 Luulyo 2018 – Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga ee Mattei Salvini ayaa taataabtay arrimo kala geddisan oo ku tacaluqa siyaasadda iyo isboortiga.

“Wax kasta waa dhag, marka laga reebo Faransiiska….Awalba iskuma fiicnayn, lkn haatan way kasii dartay” ayuu yiri Salvini oo la hadlayay ANSA.

Mar hoggaamiyaha midigta ah ee xisbiga Lega Nord, Matteo Salvini, su’aal ku saabsan wararka Cristiano Ronaldo la xiriirinaya Juve, wuxuu Salvini oo qoslaya ku kaftamay: “Lkn yaa daneeya waxaas….Waxaan ka fikiraa Milan-teeyda miskiinta ah”.

Hadalsame Media