Xoolaha Lagusoo Dhexdaayo Wadooyinka Muqdisho Oo La Mamnuucay

0

(Muqdisho) 04 Luulyo 2018- si weyn ayey dadka qaar ugu amaaneen , inkastoo ay ku tilmaameen mid soo daahday Wareegto uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow taasoo lagu mamnuucay xoolaha lagu soo dhex daayo magaalada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dadka leh xoolaha lagu soo daayo magaalada la siinayo Labo Todobaad oo fursad ah, wixii ka dambeeya ganaax laga qaadi doono ciddii xoolaheeda lagu dhex arko magaalada.

eng Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in haddii Saddex jeer uu qof ganaax ku dhaco in marka Afaraad lagala wareegi doono xoolaha.