SAWIRRO: Ma dowladda federaalka & Imaaraatka ayaa is fahmey? (Kulan dhacay)

0

(Muqdisho) 03 Luulyo 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Cusmaan.

Labada dhinac ayaan soo saarin wax micne leh oo ay ka wada xaajoodeen, marka laga soo tago inay ka wada hadleen wax ay ku sheegeen xiriirka labada dal, iyo isbedello badan oo ka muuqanaya gobolka Geeska Afrika.

Dowladaha Somalia iyo Isutagga Imaaraatka ayaan isku fiicnayn, waloow aysan si buuxda u kala goosanin waxaana soconayay wada xaajoodyo hoose oo aan la isku afgaranin oo ay dhinacyo seddexaad sida dowladaha Sucuudiga iyo Masar ay ka dhex wadeen labada dhinac.

Dowladda Somalia ayaa ka carootey wax loo arkayay fara gelin ay Imaaraatku ka wadeen dalka Somalia, iyagoo olog iskaga dhigaya gobollada qaar, sidoo kale ku eedaysan inay ku dhaqaaqaysay falal ay ku wiiqayso dowladnimada iyo midnimada Somalia.

Hadalsame Media