Carruurta yaryar ayay isbitaalka ku KHAARAJIN jirtey balse maanta ayaa la qabtay!! + Sawirro (Imisa carruur ah ayaa loo haystaa?)

0

(Cheshire) 03 Luulyo 2018 – Haweenay darajadeeda lagu kooban howlwadeen caafimaad ayaa loo xirey tuhun la xiriira inay khaarajisey 8 carruur ah, isla markaana ay hollisey dilka 6 kale, isbitaalka degmada Cheshire ee Ingiriiska.

Dembi baarayaasha ayaa faraha ku haya kiisaska 17 carruur ah oo la sheegayo inay wada geeriyoodeen tiiyoo aanu jirin ”kiisas caafimaad oo halis ah” oo looga diiwaan geliyay Isbitaalka Countess of Chester Hospital intii u dhaxaysay 2015 iyo 2016, iyo 15 kale oo waxyeellooyin aan waynayn loo gaystey.

Booliiska ayaa maanta xaqiijiyay inay xireen haweenay ay ku magacaabeen ”xirfadle caafimaad” iyagoo aan sheegin wax doorkeedu yahay, dhakhtar, kalkaaliye iwm, waxaana lagu tuhmayaa inay dishey 8 carruur ah, 6 kalena dilkooda isku dayday.

Dembi baaraha Paul Hughes, oo ah ninka hoggaaminaya baaritaanka, ayaa xiritaankan ku qeexay ”tillaabo horay loo qaaday” isagoo tibaaxay in la ballaariyay qarada baaritaanka, oo ay iminka ka dhigayaan 32 carruur ah oo ay 17 ka tirsani horay u geeriyoodeen.

Waalidiin badan ayaa baaritaankan ka dhur sugaya, waxaana ka mid ah Melanie iyo Patrick Robinson oo horay arrintan uga hadlay kaddib markii uu si deg deg ah u geeriyoodey wiil yar oo dhaleen oo Noah la oran jirey 2014.

TIRADA CARRUURTA KU DHIMATAY ISBITAALKA

Tiradu waxay muujinaysaa sara-kac inta u dhaxaysa 2015 iyo 2016.

2009 – 3

2010 – 1

2011 – 3

2012 – 3

2013 – 2

2014 – 3

2015 – 8

2016 – 5

Dembi baare Paul Hughes.

Hadalsame Media