SAWIRRO: Maraykanka oo markii ugu horreeysey bamb halis ah oo nulkiyeer ah kasoo tuuray dayuuradda raadeerka ka dhuumata ee B-2A

0

(Nevada) 02 Luulyo 2018 – Ciidamada Cirka Maraykanka ee USAF ayaa bamka nukliyeerka ah ee B61-12 kasoo tuuray dayuuradda nooca raadeerka ka dhuumata ah ee B-2 Spirit, tijaabo ka dhacday lama degaanka gobolka Nevada, qorshe 20 sano oo kale loogu darayo bamkan oo la farsameeyay 1968-kii.

“Waaxda Tamarta Maraykanka iyo qaybta ay maamusho ee Amaanka Nukliyeerka iyo Ciidamada Cirka Maraykanka ayaa laba bam oo B61-12 oo ah bambooyinka cufis-jiidadka ah horraantii Juun ku ganay rugta tijaabada ee Tonopah Test Range oo ka tirsan Nevada,” ayay tiri Waaxda Tamarta Maraykanka oo sheegtay inay tahay markii ugu horreeysay ee bamka B61-12 laga soo gamo B-2A Spirit Bomber.

Noocyo kala duwan oo bambooyinka cufis-jiidadka leh ee nukliyeerka ah ee B-61 ayaa muddo 50 sano ah waxaa adeegsanayay Maraykanka iyo NATO, halka Pentegon uu dhowr mar maduufikeeyay noocyada B61 ee 3, 4, 7, iyo 11 oo weli howl gala.

Hadalsame Media