DAAWO: ”Midowga Yurub waxay u xun yihiin sida Shiinaha” – Donald Trump oo afka furtay!

0

(Washington DC) 02 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa sheegay in la ganacsiga Midowga Yurub oo ah urur ay Maraykanka olog yihiin ay u xun tahay cadaalad darrana u tahay sida la ganacsiga Shiinaha.

Madaxwayne Trump ayaa u sheegay Fox News, in Washington ay dhib ka mudatay ilaalinta ”jaalkeeda yar yar ee reer Yurub” iyadoo ay taa biddaalkeeda go’aano khaldan sameeyso.

“Waxaa suuragal ah in Midowga Yurub ay u xun yihiin sida China, oo ay ka yar yihiin,” ayuu ku yiri Donald Trump waraysi uu siinayay hilinka midigta ah ee Fox News. “Wax xun bay nagu sameeyaan.” ayuu raaciyay, isagoo sheegay inay sanadkii ka qaataan dheeraad dhan $151bilyan oo doollar, isla markaana ay lacago badan oo kale NATO ku bixiyaan iyaga ilaalintooda sida uu yiri.

Sanadkii tegey waxay Midowga Yurub Maraykanka ka sarreeyeen $101 bilyan oo doollar, marka la is barbardhigo waxyaabaha ay labada dhinac isu dhoofiyeen, halka aanba loo dhowaan karin Shiinaha oo Maraykanka ka badan $336 bilyan oo doollar marka la isu tuuro waxyaabaha ay isu kala dhoofiyeen labada dal (trade deficit).

Warkan ayaan hubaashii caawin doonin colaadda cusub ee beryahan ka dhex aloosan Maraykanka iyo MY oo had iyo goor jaal ahaayeen.

Hadalsame Media