WAR CUSUB: DP World oo terminaal qallalan oo wayn ka dhiseeysa Itoobiya!

0

(Dubai) 30 Juun 2018 – DP World ayaa sheegtay inay Itoobiya ka fureeyso terminaal qalallan oo badeecooyinka looga qaado dalalka kale ee Afrika ee aan badda lahayn, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee DP World ugu qaybsan kastamada iyo suuqa xorta ah Sultan Bin Sulayem.

“Waxaan qorshaynaynaa dhismo wayn oo dhanka sahayda ah oo lagu kaydiyo badeecadaha laga soo dejiyo dekedaha, kaddibna halkaa ayaa laga sii qaadi doonaa oo waxaa loo daabulayaa dalal kala duwan oo Afrikaan ah oo aan bad lahayn.” ayuu yiri Bin Sulaymaan.

”Heshiisyo fara badan ayaannu Itoobiya la gaarney, kuwaasoo aannu ku kobcinayno saaxiibnimada naga dhexeeysa, waxayna ganacsatada Dubai ka faa’iidaysan karaan joogitaank DP World ee dalal kala duwan sida Rwanda iyo Masar oo fursadda wax sii dhoofintu ay aad u badan tahay,” ayuu raaciyay Bin Sulayem oo Dubai kula hadlayay ganacsatada halkaa joogta.

Doorka uu ninkani sheegayo ayaa waxaa inta badan ku qaabsan dalalka iyagu dekedaha leh, maaddaama aysan Itoobiya deked lahayn, lamana oga dekedaha ay ku tashanayaan.

Hadalsame Media