Dab xoog leh oo baabi’iyay keydkii daawada Cusbitaalka Dayniile

0

(Muqdisho) 30 Juun 2018 – keydka daawada ee Isbitaalka degmada deyniile ee Magaaladda Muqdisho ayaa gebi ahaanba gubtey kadib markii uu qabsaday dab xoogan sida ay sheegeen saaka Saraakiisha caafimaadka Cusbitaalkaasi.

Dadbkan oo sida la sheegay ka dhashay koronto ayaa sababey khasaare culus oo soo gaarey keydkii daawada ee Cusbitaalka, hase ahaatee lama sheegin in dad wax ku noqdeen iyo in kale.

Dabka ayaa ku faafey qeybo kale oo tirsan Cusbitaalka waxaana wararku sheegayaan in markii danbe lagu guuleystay in la baqtiiyo.

Isbitaalka Dayniile waxaa uu ka mid yahay Isbitaalada ugu muhiimsan Magaaladda Muqdisho waxaana lagu daaweeyaa bukaano qaba xanuuno kala duwan iyadoo sidoo kale uu qabto adeegyo caafimaad oo ay ka mid yihiin baaritaano bilaash ah iyo qaliin.

Sidoo kale carruur iyo haween ayaa ka mid ah dadka ka faa’iideysta adeegyada caafimaad ee Isbitaalku bixiyo.

Hadalsame Media