Al-Shabaab oo qarax ku burburisay Buundo muhiim ah.

0

(Muqdisho ) 30 Juun 2018 Wararka laga helayo degmada qoryooley ee gobolka shabeeladda hoose ayaa sheegaya in ururka al-Shabaab ay qarxiyeen buundadii degmadaasi.

Buundadan ayaa muhiim u ahayd isku socodka gaadiidka iyo dadka degmada qoryooley iyo deegaanada ku xeeran,waxaan arrintaas walaac ka muujiyey saraakiisha dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.

Dadka beeraladeyda ah ayaa iyana sheegaya in arrintaan saameyn ku yeelan doonto wax soo saarkoodii dhanka beeraha.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay doonayaan inay go’doomiyaan deegaanada iyo tuulooyinka ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika gobolka Shabeelladda Hoose.

Isku-dhacyada hubeysan ee u dhaxeeya dhinacyada dagaalamaya ayaa ku sii xoogeysanayey Gobolkaasi waxaana dowladda dhexe aysan ku guuleysan in Al-Shabaab laga saaro gobolka Shabeellada Hoose.

Hadalsame Media