Mareykanka oo kaga hormarey tacadiyada ka dhanka dumarka dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

0
30 May 2014, Seattle, Washington State, USA --- Seattle, United States. 30th May 2014 -- Demonstrators protest sexual assault on college campuses at the #YesAllWomen rally in solidarity with those affected by violence. -- More than 100 community members came in support of the #YesAllWomen Live Rally in Seattle. This was a call to action in support of those affected by violence against women, after recent shootings in California left 6 dead and 13 wounded. --- Image by © Alex Garland/Demotix/Corbis

(Muqdisho) 28 Juun 2018 Mareykanka ayaa noqday dalka sadexaad ee ugu halista badan marka laga hadlayo tacadiyada la xiriira kufsiga iyo gabood falada ka dhanka ah jaweenka.

Sida lagu daabacay Thomson Reuters Foundation, daraasad la sameeyey ayaa 548 haween u dooda xaquuqul insaanka waxay sheegayaan in gabood falo fool xun loo gaysto haweenka ku nool Mareykanka.

Waxaa la sheegay in tacadiyada la xiriira galmada sharci darada ah ee haweenka gudaha Mareykanka ay aad kaga badan tahay marka loo fiiriyo dalalka Afganastaan, Mexico, Saudi Arabia, Pakistan iyo Soomaaliya.

Haweenka u dooda xaquuqda haweenka ayaa sheegay in dalka Mareykanka ka mid ah yahay lixda dal ee ugu qatarta badan tacadiyadda ka dhanka hablaha waxaana kaalinta todobaad ku jira Sacuudiga. Hase ahaatee waxaaba qaar ka mid ah kuwa u dooda xaquuqda dumarka sheegayaan in Mareykanku kaalinta hore kagaba jiro marka laga hadlayo tacadiyada nuucaas ah.

Waxaa intii daraasadaan socotay la wareystay boqolaal haween ah gaar ahaan Magaaladda New York waxayna sheegeen inay iska difaaceen weeraro kaga yimid rag doonayey inay fara-xumeeyaan xili ay ama shaqo ku jireen ama ay dariiqyada marayeen.

Waxaa taasi ka dhigaysaa Mareykanka dalka ugu horeeyey ee reer-galbeedka ee dumarka loogu gayesto kufsi iyo tacadiyo kale oo aad u fool xun sida warbixintan lagu sheegay.

Hadalsame Media.