MAQAL & MUUQAAL: ”Midnimada Somalia waxay halis ku tahay Itoobiya & Kenya oo iminka raaxaysanaya” – Faysal C Waraabe oo ka hadlay arrimo aad loola yaabay!!

0

(Geneva) 27 Juun 2018 – Faysal C Waraabe oo ka hadlayay shir la sheegay inay isugu yimaadeen axsaabta Shuuciga ah oo ka furmay magaalada Geneva ee dalkaasi Switzerland ayaa ku dooday inay Somaliland ”xaq sharci ah” u leedahay in la aqoonsado, balse qaab ”siyaasadeed” loogu diidday aqoonsiga.

Wuxuu kiiskiisa ku xoojiyay in dalalka deriska ay dani ugu jirto Somalia oo kala tagta si ay markaa nolol wanaagsan ugu noolaadaan.

”Midnimada Somalia waxay halis ku tahay Itoobiya & Kenya oo hadda ku raaxaysanaya qaybsanaanta Somalia, ee si ay taasi usii socoto annaga hanala aqoonsado” – ayuu yiri Faysal C Waraabe oo ku doodaya in uu qaybsanka Somalia ugu baaqayo u danaynta dalalka deriska ah oo ay faa’iido istaraatiji ihi ugu jirto kala tagga Somalia.

Faysal ayaa si cad u duraya dagaalkii Somalia iyo Itoobiya oo uu ku eedaynayo Somalia oo uu sheegay inay laba jeer weerartay Itoobiya, isagoo dhanka kale amaanaya xudduudo uu sheegay inuu isticmaarku kala dhex dhigay shucuubta is leh ee Afrika.

Faysal ayaa aad ugu qiil samaystay inay jiraan dalal kale oo horay u kala go’ay sida Masar iyo Suuriya, isagoon marna ka hadal baahi gaar ah oo keeni karta in Somalia lakala jaro.

Halkan hoose ka DHEGEYSO….

 

Hadalsame Media