Gabar wariye ah oo maanta lagu toogtay Muqdisho ( Waa sidee xaaladeeda caafimaad)

0

(Muqdisho) 28 Juun 2018 – Wararka dheeraadka ah ayaa ka soo baxaya weerar toogasho ah oo maanta wariye katirsan warbaahinta dowladda Soomaaliya loogu gaystey Magaaladda Muqdisho iyadoona xaalada caafimaad ee gabadha wariyeha ah ay soo hagaageyso.

Wariyehan oo lagu magacaabo Farxiya Mire ayaa waxaa weerar u gaystey nin ku hubeysanaa bistoolad nawaaxiga wadada dabka waxaana ku dhacay ugu yaraan labo xabadood oo qeybaha sare ee jirkeeda ka haleelay.

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Hadalsame Media in dhibane Farxiyo Mire hadda lagu dabiibayo mid ka mid ah Cusbitaalada Magaaladda Muqdisho.

Dhinaca kalena warar madaxbanaan oo laga helay goobjoogayaal iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamadu gacanta ku dhigeen hal ruux oo looga shakisanyahay inuu weerarka lagu qaaday gabadha wariyeha ah ka danbeeyey

Hadalsame Media