Ethiopian Airlines oo soo celinaysa duullimaadyadii Eritrea (Goorma?)

0

(Adis Ababa) 28 Juun 2018 – Sharikadda duullimaadyada ee Ethiopian Airlines Enterprise ayaa la sheegayaa inay si rasmi ah usoo celin doonto duullimaadyadii ay ku tegi jirtey dalka Eritrea bartamaha bisha Sebtember, 20 sano kaddib markii ay ku hakatay colaaddii labadan dal ee Geeska Afrika.


“Ethiopian Airlines diyaar noqda, waxaad dhaqse dhowaan u bilaabaysaan duullimaadyadii  Eritrea,” ayuu yiri RW Abiy Ahmed oo xilligaa magaalada Addis Ababa kula casheeynayay wefdi ka socdey Eritrea oo 20 sano kaddib yimid Adis isagoo raaciyay. “Yaynaan carruurteenna u gudbinin inaan cuqdad iyo nacayb isu hayno.”

Agaasimaha Fulinta ee Ethiopian Airlines, Tewolde Gebre Mariam ayaa sheegay in ay duullimaadyadu soo noqon doonaan “isla marka la dhamaystiro heshiisyada harsan.”

Madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afwerki, oo xilka hayey tan iyo 1993-kii markii ay ka go’een dalka bad-go’anka ah ee Ethiopia, ayaa todobaadkii tegey Itoobiya u diray wasiirka arrimaha dibedda ee Osman Saleh si uu ula soo xaajoodo Dr Abiy oo soo jeediyay in la caadiyeeyo xiriirka labada dal.

 

Hadalsame Media