Jarmanka oo jid xun isku furay, mid horay u jireyna sii qaaday!

0

(Moscow) 27 Juun 2018 – Jarmanka ayaa wareegga koowaad uga haray KA2018 kaddib markii ay 2-0 dirtay South Korea.


Jarmanka ayaa markii ugu horreysay ku haray wareegga koowaad ee koobka adduunka tan iyo 1938-dii, markaas oo ahayd marka kaliya oo ay taariikdooda ku haraan wareegga koowaad ee guruubyada.

Sidoo kale waa dalkii afraad ee guruubka ku hara 5-tii dufcadood ee ugu dambeeyay iyo midkii seddexaad oo xiriir ah oo ku hara wareegga koowaad isagoo koobka difaacanaya seddexdii koob ee ugu dambeysay. Italy 2010 iyo Spain 2014.

Hadalsame Media