Soomaaliya: Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Jilib.

0

(Muqdisho) 27 Juun 2018 – Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka la dilay ayaa la sheegay in intooda badan ay ahaayeen Ajaanib u dhalatay dalalka Kenya iyo Suudaan.

Hawgalkaan ayaa ka dhacay Magaaladda Jilib ee gobolka Jubbada dhexe sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka SONNA oo ku hadasha afka dowladda Soomaaliya, hase ahaatee ma jiraan ilo-madaxbanaan oo xaqiijiyey run ahaanshaha sheegashadaan.

Waxaa kale oo intii hawlgalku socda la dilay turjumaano Soomaali ah oo caawinayey ajaanibta la sheegay in la dilay, iyadoona hawlgalkaan lagu dhaawacey sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Qoorgaab kaas oo horay madaxiisa loo dulsaaray Sadex Milyan oo Dollar..

Hawlgalkaan waxaa lagu sifeeyey Hadiyad ay Ciidamada Amniga Soomaaliya ugu deeqeen Shacabka maalmaha Xorriyadda awgeed iyadoo lagu hor istaagay halis ka imaan kartey Al-Shabaab sida la sheegay.

Warsidaha Hadalsame si dhab ah uma xaqiijin karo sheekadaan mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab.

Hadalsame Media